Waxaa saaka xiran guud ahaan adeegsiga Jidka isku xira magaalada Muqdisho iyo degmada fgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, gaadiidka daabulaya ardayda waxkabarata magaalada Muqdisho, kan ganacsiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa adeegsanaya ama u wareegay jid qarda-jeex ah oo mara degamada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Sababta xirnaanshaha jidka ayaa lagu sheegay in Shirkadda Turkiga ee dhiseysa jidka Afgooye iyo Muqdisho ay go’aansatay in ay ka guurto goob qalabka iyo shaqaaluhuba deganaayeen oo dhawaan lagu qaaday Weerar ismiidaamin ah kaas oo sababay dhaawac iyo burbur hanti.

Warar qaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay in ay adkeyneyso nabadgelyada Shaqaalaha iyo qalabka shirkadda wadda dhismaha sidaas awgeedna waxa ay weydiisatay Shirkadda in ay sii waddo shaqada dhismaha jidka.

Shirkadda dhismaha jidka Afgooye iyo Muqdisho ayaa dhowaan shaacisay in ay hakineysa howsha dhismaha haddii aan dowladda Soomaaliya xal u helin sugidda nabadgelyada jidka.

18-Jan-2020 weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga shaqalaaha wada dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye ayaa sababya dhaawaca 3 kamid ah shaqaalaha iyo burburka qalab iyo gaadiid yiil goobta.
28-December-2019 ayaa weerar lagu qaaday gaadiid siday shaqaale katirsan shirkadda Turkiga ee dhisaya jidka ayaa sababay dhimashada 78 qof oo ay kujiraan farsamayaqaano Turki ah iyo 125 qof oo rayid ah.

Ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa u sheegay Mustaqbal in ay jiraan gacmo taagan daaha gadaashiisa oo caawinaya weerarada kadhanka ah dhismaha Jidkan iyo guud ahaan fulinta Mashaariicda horumarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here