Ka warran haddii marka aad iskuulka aadeysid aad ku khasbantahay inaad ku dabaalatid biyaha badda oo ay ka buuxaan geedo, adigoo madaxa ay kuu saaranyihiin buugaagtaada oo bac ku duuban?

Inta aad sii socotid oo dhan waxaad ku rafaadeysaa sidii aad wajigaaga uga sara marin lahayd biyaha isla markaana u xaqiijin lahayd in aadan biyaha ku hafan ka hor inta aadan iskuulka gaarin.

Sidoo kale waxaad niyadda ku heysaa in iskuulka ka dib aad sidaas oo kale ugu dabaalato guriga.

Qaar ka mid ah carruurta ku nool waddanka Philippines, arrintan waxay u tahay wax maalin walba ay sameeyaan, laakiin hay’ad samafal ah ayaa isku dayeysa iney nolosha u fududeyso, si ay hab sahlan wax barashadooda ugu aadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here