Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu mar kale la kulmo madaxda xisbiyada mucaaridka oo hore ay madaxtooyada ugu shireen wixii ka danbeeyay xalintii khilaafkii gudida doorashooyinka.

Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Muacarad Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa berri madaxweynaha kala hadli doona sidii loo dhammaystiri lahaa Caqabdaha Hortaaganqabsoomidda doorashada golaha wakiilada oo lagu heshiiyay in sanadkan la qabto Gudiiisa

Gudida doorashooyinka ayay dhinacyadu isla qaateen in la kala diro balse wali gudida ayaa shaqaynaysa. Xilli lagu balansnaa in 10 Bishan La kala Diro Walina Xukuumaddu wax talaabo ah ma qaadin

kulanka oo si wayn loogu dheg-taagayo Dhinacayda Wadamada Caalmaka Xili arimaha doorashooyinku ay meel xasaasi ah marayaan, beesha caalamkuna ay dhinacyda ku cadaadinayso in ay doorashada hore u qabtaan khilaafaadkana ka heshiiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here