Dowlladda Iiraan ayaa sheegtay in ay si aan ula kaceyn ciidamadeedu u soo rideen diyaarad laga lahaa dalka Ukraine
War laga sii daayay ama laga baahiyay saakay saakay ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay oo burburka diyaarada uu ka dhashay”khalad uu bina’aadam sameeyay “.
Dadkii mas’uulka ka ahaa ayaa lala xisaabtami doonaa, sida bayaan laga baahiyay telefishinka lagu sheegay, Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiran riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineyay in gantaal ay riday Dowladda Iiran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here