Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas daqiiqado kahor laga maqlay ilaa iyo saddex Madaafiic oo xoogan.

Madaafiicda ayaa waxaa wararku sheegayan inay ku dhaceen agagaarka Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Baqdaad.

Sidoo kale Madaafiicda ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan, waxaana ku dhaawacmay 4 ruux, iyadoona loola cararay xarumaha Caafimaad ee ku yaalla dalkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya Hoobiyeyaal kale lagu weeraray Saldhig Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Waqooyiga Magaalada Badqaad, isla markaana waxaa ku sugan Ciidan Mareykan ah oo aad u badan.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka oo ay uga hadlayaan Madaafiicda Caawa lagu garaacay Saraafadda ay ku leeyihiin Badqaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here