Jeneraal Qaasim Sulaymaani oo ahaa nin si wayn looga yaqaano waddanka Iran, isla markaana laf-dhabar u ahaa ciidanka ilaalada kacaanka ee waddanka ayaa la dilay maalintii shalay ahayd. Diyaaradaha Maraykanka ayaa beegsaday xili uu ka baxayay madaarka magaalada Baqdad ee caasimadda waddanka Ciraaq, iyadoo halkaas uu duqaynta ku dhintay. Ninkan ayaa masuul ka ahaa hawl-gallo badan oo ciidanka Iran ay fuliyeen ama ka wadaan gobolka Bariga Dhexe. Wuxuu haystay ciidanka Quds oo taageero siin jiray dawladaha gobolka ee Iran ay badhi-taarto. Dawladda Iran ayaa sheegtay in aar-goosi mug leh oo Maraykanku aanu mahadin ay qaadi doonto. Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran iyo wasiirka arimaha dibadda ayaa labaduba fariimo adag oo hanjabaad ah u diray Maraykanka. Aqalka Cad ee Maraykanka iyo wasaaradda gaashaandhiga ayaa labaduba xaqiijiyay dilka Sulaymaani oo argagixiso ay u aqoonsanaayeen. Qiimaha saliida caalamka ayaa kor u kacday kadib dilka Jeneraalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here