Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ahaa Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay ayaa si rasmi ah xilkii looga qaaday, iyadoona Taliye Cusub loo magacaabay Xabsiga Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxaa la sheegay in Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Jeneraal Xirsiile uu shaqada dib ugu soo celiyay, kadib markii horey shaqada looga joojiyay.

Sidoo kale Dowladda ayaa la tilmaamay inay kahor tegtay tallaabada shaqada loogu soo celiyay Taliyihii Xabsiga Dhexe, iyadoona ugu dambeyntii xilka qaadis lagu sameeyay.

Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Xabsiga Dhexe ee Xamar, isagoo bedelaya Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.

Si kastaba Jeneraal Xirsiile ayaa horey loogu Eedeeyay inuu Isbitaalka ku yaalla Muqdisho kala soo baxay bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsiga.

Cabdiraxmaan Erdogan

Waaxda Online

Horyaal Tv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here