Nin la tuhunsan yahy inuu hogaamiyo koox maleeshiyo ah oo saldhigeedu yahay gobolka Nex Mexico ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inuu ku faanay qorshe lagu khaarajinayo madaxweynihii hore, Barack Obama, sida ay shaacisay FBI-da.

Larry Mitchell Hopkins oo 69 jir ah iyo kooxdiisa United Constitutional Patriots ayaa sidoo kale qorsheynayay inay bartilmaameedsadaan Hillary Clinton iyo maalqabeenka George Soros, sida lagu sheegay xog ay heshay hay’adaasi dembi baarista.

Ma cadda goorta uu ninkaasi ku faanay qorshaha, balse qareenkiisa ayaa beeniyay eedeymahaasi.

“Waxa uu sheegay in warkaasi been yahay, oo aanu jirin qorshe noocaasi ah,” ayuu yiri qareenkiisa Kelly O’Connell oo u warramay telefishinka NBC News.

Mr Hopkins ayaa wajahaya ilaa toban sano ee xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 250,000 oo dollar, sida uu sheegay wargeyska Las Cruces Sun-News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here