Safia Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali.

Inta badan Soomaalida Britain tegtay, ayaa halkaasi gaarey wixii ka dambeeyay sanadka markii uu ahaa 1990-kii, Safiyana ma qiyaasi karin in Soomaalida ay halkaasi ku sugnayeen muddo gaareysa boqol sano.

Sheekada Maxamuud Mataan, ayaa markaad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab takoor iyo caddaalad darro maxkamadeed ah, taasoo ahayd noolasha Soomaalidii badmaaxiinta aheyd ee u talaabtay Britain.

Sheekada ayaa bilawgeedu waxey aheyd wada sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo kasii baxeyna goobtii maqaayadda, saaxiibadeey ayaa soo hadal qaadey magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sanadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxey ku dheegageen saaxiibadey, halkaas ayeynu ka amba qaadnay sheekadan qotada dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa.

Aad baan uga argagaxay, haddana way i soo jiidatey sheekada. Saacadihii ka dhinnaa habeenkaa waxey sheekadan ka dhex baarney wixii laga hayo aaladda wax lagu baadi goobo ee Internet-ka ee Google, innagoo isku dayeyna inaan ogaano xogta iyo warbixinada ku saabsan sheekadan murugada leh.

Markaan sii aqriyaba sheekada Mataan, waxaan ogaanay taariikhda dheer ee ay leeyihiin dadkayga ku nool Britain.

Sheekada Mataan ayaa ku bilaabatey fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yiraahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaaley Butetown, Cardiff. Ciidanka booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxey bilaabeen iney ugaarsadaan gacan ku dhiiglihii.

Butetown, waxaa sidoo kale loo yaqaanay Tiger Bay ama The Docks. Waxey aheyd goob ay ku nool yihiin dad kala dhaqamo ah, taas oo mahadeeda ay lahaayeen badmaxiintii, kuwaasoo halkaasi u tagey iney ka xoogsadaan, kana kala yimid qeybo kala duwan oo ah goobihii ay ka talineysay boqortooyadii Britain – oo ay kamid ahayd Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here