Deegaanka Ceel Sheekh wuxuu ku yaalla dhul buuraley ah oo weliba leh xeebo ku habboon dalxiiska, waa dhul aad u qurxoon, wuxuu u dhexeeyaa degmada Lug-hayo oo dhinaca galbeedka ka xiga iyo degmada Bul Xaar oo dhinac bari ka xiga, magaalada Hargeysa wuxuu u jiraa 105 Kiiloomiitar dhinaca waqooyi ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Wariyaha BBC, Cabdullaahi Jaamac oo dhawaan booqasho ku tegay deegaanka Ceel Sheekh ayaa waxaa uu la kulmay qaar kamid ah dadka deegaanka oo la daala dhacaya dhibaatada ka jirta halkaasi.

Maamulaha dugsiga Ceel Sheekh, Axmed Cabdullaahi Aadan ayaa sheegay in labo macalin oo kaliya ah ay Iskuulka ku dhigaan isla markaasna aysan helin wax mushaar ah oo ay si tabbarucaad ah cilmigooda ugu deeqaan ardeyda.,

Axmed ayaa intaas ku daray in marsii horreysay dowladda ay ballan qaaday in macalimiinta sida tabarucaadka ah ku shaqeyn jiray la siin doono mushaaraad balse aysan taasi dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here