Suxufi caan ah oo ka tirsanaa Telefishin ku yaalla dalka Masar ayaa lagu xukumay xabsi 1 sano ah iyo shaqo adag oo uu sameynayo inta uu xiran yahay, wuxuuna ciqaabtaas ku muteystay wareysi uu sannadkii lasoo dhaafay la yeeshay nin ka mid ah ragga isguursada.

Maxkamadda xukunka ridday oo ku taalla magaalada Giza ayaa sidoo kale ku ganaaxday Maxamed al-Ghiety inuu bixiyo lacag dhan 3,000 oo giniga masar ah una dhiganta $167 doolar.

Dacwadda lagu soo oogay ayaa ku saabsan “inuu faafinayay fikirka ku saabsan guurka dhex mara dadka isku jinsiga ah”.

Maxamed al-Ghiety ayaa ka howl galayay Telefishinka sida gaarka ah loo leeyahay ee LTC TV channel.

Ninka wareysiga laga qaaday oo magaciisa aan la shaacinin ayaa intii uu wareysiga socday ka hadlay nolosha ku saabsan in laga shaqeeyo ka ganacsiga jirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here