Toddobaadkan waxaa toban sanadood jirsaday Ciidammada Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalayay badaha Soomaaliya.

Howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub wuxuu muddadaas ka shaqeynayay sidii uu u dhowri lahaa qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee sannadkii 2008-dii, kaas oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro dhibaatada burcad badeedda Soomaalida.

Magaalo xeebeedka Eyl ee gobolka Nugaal waxaa ku nool tiro haween ah oo ka ganacsada kalluunka, kuwaasi oo intay diyaariyaan ka dibna u suuq geeya qeybaha kale ee dalka.

Haweenkan oo qaab iskaashato ah u shaqeysta ayaa nooloshooda ku maareeya dakhliga ay ka helaan kalluunka laga iibsado oo ay badda uga soo jallaabaan rag kalluumaysato ah.

Dadka ku dhaqan deegaannada ku teedsan xeebaha ee markii hore ay ka qaraaban jireen burcad badeedda ayaa ka faa’iidaystay mashaaruuc horumarin ah oo ay Hay’adaha Qaramada Midoobay halkaasi ka fuliyeen

Haweenka degan magaalo xeebeedka Eyl ayaa ka kalluumaysta hadda xeebihii ay ka howl geli jireen burcad baddeeda.

Xaawo Mahad Faarax waxa ay ka mid tahay haween ay tababar siiysay Hay’adda Qaramada Midooobay ee FAO, iyadoo BBC-da la hadleysa ayey tiri: “Waayadii hore ee xoolaha la dhaqan jiray kalluunka lama danayn jirin, balse kalluunka hadda waxa uu noqday wax fiican oo aad loo cuno, markii ay xoolaha iga dhamaadeen halkan ayaan soo aaday si aan uga shaqaysto, carruurta biilkoodana uga raadsado”.

Xaawo horay waxa ahay u hayd xoolo dhaqato ka hor inta aysan ku biirin kalluumaysiga, balse abaarihii deegaanada soo maray ayaa xoolihii ka laayey waxayna tiri “xoolahaygii oo dhan hal waxar ah ayaa iiga soo haray”. Hadda waxay ka mid tahay kalluumaysatan ka faa’iidaystay mashruuca FAO.

.

Dadka Soomaalida ayaa wayadii hore waxay badanaa cuni jireen hilibka xoolaha marka hadda maxaa isbaddelay?

Xaawo ayaa ka jawaabtay su’aashaas waxayna tiri”Hadda si wanaagsan ayey Soomaalida u fahantay cunidda hilibka kalluunka, waayadii hore sanka ayaa laga qabsan jiray kalluunka balse hadda Soomaalida waa ay fahantay oo faa’iidooyinkiisa ayey fahmeen”

Idil Cabdiraxmaan waxay ay tobabar siisaa 16 dumarka kalluumaysato ah; “Waxan ahay macalin Boosaaso laga keenay si aan u tababaro haweenkan, waxaa aniga tobabarka isoo siisay hay’adda FAO.

Dumarkan ayaa sheegay in marka ay suuqyada gaystaan kaluunka ay mararka qaar helaan macaamiil badan, “Waxaa jira dad nagu diido oo dhaha na dhaafa libaax ayaad wadaane”. ayey tiri Idil.

Kalluunka ayaa waxa uu mararka qaar u baahanyahay tallaagad lagu kaydiyo si uusan u halaabin, “Qalabkaas mahaysanno, balse badanaa uma baahanno maxaa yeelay qoraxda ayaan ku qalajisannaa, baco ayaan ku xirannaa markaas ayaan habaysannaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here