Dalka Shiinaha ayaa qorsheynaya inuu qodo godkii ugu horreeyay ee dhalo ka sameysan oo laga qodayo badda looguna talogalay iney maraan tareenada xawaaraha sare ku dhaqaaqa, kuwaas oo isku xira labo magaalo oo ku yaalla gobolka Zhejiang, godkan ayaa la filayaa inuu noqdo kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah ee Adduunka laga hirgeliyo.

Godkan cusub ayaa isku xiri doonata magaalada Ningbo iyo jasiiradda Zhoushan, god badeedkan dhiriirkiisu waxa uu gaarayaa 70 Km, 16 ka mid ah waxaa laga dhisayaa badda hoosteeda.

Sidaas oo kale, waxaa la filayaa in god badeedkan loo sameeyo derbi dhalo ka sameysan, arrintan oo xoojineysa xiisaha dadka rakaabka ah oo daawanaha noolaha badda xilliga ay ku jiraan safarkooda gudaha badda.

Tareenka godkan loogu talogalay ayaa xawaarihiisu gaarsiisan yahay 260 km/saacaddii, waxa uu ku jari karaa masaafada labada magaalo u dhaxeysa  30 daqiiqo gudaheed.

Si kastaba, Shiinahu waxey leeyihiin wadada tareen ee ugu dheer addduunka, waxey gaaraysa 25-kun oo Kiilomitir, waa in u dhigan 60% isku dar waddooyinka tareenada dhulka dushiisa ku fudsin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here